Dareenka Dadka ad lawadaagtid waxyalaha aysan uficneen. 1. Mararka qaar waxaa wanaagsan in qofku iska aamuso inti uu dadka u sheegi lahaa dareenkiisa sababtoo ah way ku sii dhaawaceysaa keliya goortii aad ogaato inay ku maqli karaan laakiin aysan ku fahmi karin. 2. Waxaan ka xiran karnaa indhaha waxyaabaha aynaan rabin in aan aragno laakiin kama xiran karno qalbigeena waxyaabaha aynaan rabin in aan dareeno. Aad bay daruuri u tahay inaan xushmayno dareenka dadka kale. 3. Qofna kaama dhigi karo inaad dareento liidnimo ama niyad-jab ilaa aad adigu u oggolaato 4. Mid ka mid ah dareenada ugu qoto dheer, ugu sareeya, ayna ka buuxdo kalgacal iyo farxad; Waa marki aad si qushuuc leh Salaada u tukanayso adigoo dareemaya inaad Alle hor taagan tahay, waa marki Hooyada ilmihi ay markaa dhashay ay laabta ku qabato, waa marki Aabaha ay gabadhiisa yar dhabtiisa hurdo ku qabato oo ku seexato, waa marki Saaxiibadaa ay kuu taageeraan sida qoyskaaga oo kale, Qoyskaaguna ay kuu taageeraan sida saaxi...